Home » Box Office » Ajay Devgn wuxuu jebiyay iskoor SRK dhigay 10-sano ka hor iyo iskoor kale Salman dhigay 6-sano ka hor!

Ajay Devgn wuxuu jebiyay iskoor SRK dhigay 10-sano ka hor iyo iskoor kale Salman dhigay 6-sano ka hor!

Hambalyo Superstar Ajay Devgn iyo Kooxda Filimka Golmaal Again……

Filimka Golmaal Again ayaa jebiyay iskoor u yiilay filimka weyn Om Shanti Om mudo 10-sano ah, iskoorkaasna wuxuu yahay in Om Shanti Om keenay todobaadkiisa sedexaad 10.27 Crore sanadii 2007.

Mudo 10-sano ah waxaa la waayay filim feestada Diwali la daawado oo todobaadkiisa sedexaad 10.27 Crore keeno balse haatan Golmaal Again ayaa dhaafay wuxuuna keenay 14.75 Crore todobaadkiisa sedexaad.

Golmaal Again iskooradiisa inta kuma eko sidoo kale wuxuu jebiyay iskoorkii filimka Ready ee Salman Khan sameeyay 2011 kaasi oo todobaadkiisa sedexaad keenay 13.61 Crore wuxuuna Golmaal Again noqday filimada shactirada ah midkiisa lacagaha ugu badan todobaadka sedexaad soo xareeyo madaama uu keenay 14.75 Crore.

Golmaal Again wuxuu kaalinta 16-aad ka galay filimada guud ee todobaadka sedexaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen ayadoo xili gaar ah loo fiirineyn waana guul Ajay usoo hoyotay.

Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan 20-ka filim ee todobaadka sedexaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

1. Bahubali – The Conclusion (2017) – 69.43 Crore (Qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya)

2. Dangal (2016) – 44.02 Crore

3. PK (2014) – 41.32 Crore

4. 3 Idiots (2009) – 30.38 Crore

5. Bajrangi Bhaijaan (2015) – 28.76 Crore

6. Bajirao Mastani (2015) – 27.35 Crore

7. Tanu Weds Manu Returns (2015) – 19.43 Crore

8. Yeh Jawaani Hai Deewani (2013) – 19.12 Crore

9. Dabangg (2010) – 17.55 Crore

10. Dhoom 3 (2013) – 17.08 Crore

11. Chennai Express (2013) – 16.11 Crore

12. Sultan (2016) – 15.81 Crore

13. Barfi! (2012) – 15.69 Crore

14. Bhaag Milkha Bhaag (2013) – 15.49 Crore

15. Rowdy Rathore (2012) – 15.11 Crore

16. Golmaal Again (2017) – 14.75 Crore

17. Ghajini (2008) – 13.82 Crore

18. Ready (2011) – 13.61 Crore

19. OMG! Oh My God – 13.44 Crore

20. Singham (2011) – 12.62 Crore