Aamir Khan iyo Juhi Chawla waxay wada sameyeen aflaam caan ah sida Qayamat Se Qayamat Tag, Love Love, Hum Hain Rahi Pyaar Ka, Ishq iyo kuwa kale waxayna kamid yihiin lamaanayaasha shaashada loogu jeclaa saaxiib dhowna ahaayeen.

Balse saaxiibadan waxay isku dhaceen intii ay duubayeen filimkii jaceylka iyo shactirada ahaa ee Ishq Juhi ayaana hada kahor dhacdadan ka sheekeysay xili ay wareysi bixineysay waxayna tiri.

“Aamir waxuu ahaa saaxiibka aan ugi jeclaa dhamaan atoorayaasha aan la shaqeyay balse filimka Ishq intaan duubeynay ayee xurguf na dhexmartay waxaana ugu wacnaa kaftankiisa iyo fara ka cayaarkiisa xad dhaafka ahaa.”

“Markii dambena Ajay ayaaba kusoo darsamay horta aniga iyo Aamir waligeen kaftan iyo fara ka cayaar waa naga dhaxeyn jiray mararka qaar intaa kala xanaaqno ayaa mudo kadib heshiin jirnay balse Ishq ayaa ugu darned.”

“Isaga iyo Ajay ayaa kaftanka maalin igu badiyeen iyo fara kacayaarka kadibna waan ka xanaaqay ilaa aan ka ooyey maalintii xigtay duubista filimka ma aanan imaanin waxaana guriga iigu imaadeen Aamir, Ajay, iyo mudane Indra (Director-ka) weyna iraali galiyeen berrina soo shaqo tag ayee idhaheen.”

Sheekada halkaas kuma ekaanin Aamir ayaa xanaaqay Juhi ayaana sii wadata hadalka waxay tiri,”Aamir maalinkii xigtay markaan kulanay waxuu igu dhahay hal maalin dhan dartaa ayaa duubista filimka u baaqatay qasaaro ayaa u horseeday kooxda filimka aniga iyo adiga waligeen ayaa kaftami jirnay isna dagaali jirnay laakin inaa duubista baajiso ma ahen.”

“Mudo sanado kadib ayaa wada hadalnay aniga iyo Aamir waliva anaa weydiyay oo dhahay Aamirow maxay tahay nacasnimadan oo aniga iyo adiga halahan dhan ukala aamusanahay balse waxuu igu yiri waligey waxaan u maleynaayey inaa adiga ii xanaaqsaneed.”

“Dhibla jiraa waxuu ahaa labadeena qofba qofka kale ayaa u heysanay inuu u careysan yahay ugu dambeyna waan heshiinay inkastoo mudo sanado badan aan kala aamusneen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here