2 Maarso waxaa lasoo bandhigay goos gooska Filimka Sooryavanshi ee ay hogaamiyaal ka yihiin Akshay Kumar iyo Katrina Kaif halka Ajay Devgn iyo Ranver Singh ay muuqaalo marti ah ku leeyihiin.

Filimkaan ka hadlaayo nolosha askarnimada aad ayaa loo soo dhaweeyay goos gooskiisa waxuuna ahaa mid xiiso leh inkastoo 4 daqiiqo goos gooska ka kooban yahay lagu fahmi karo sheekada Filimka oodhan iyo inuusan ahen fariin cusub.

Hadaba goobta goos gooska lagu soo bandhigaayey waxaa xili hore wada inaadeen Akshay Ajay , Katrina, Rohit Shetty oo ah Director-ka Filimka iyo waliba qarash gareeyaha mashruuca Karan Johar balse waxaa soo yara raagay ama soo daahay Ranver Singh oo in cabaar ah la sugaayey.

Sababto ah xaflada lama furi karo hadii jilaa kamid ah mashruuca wadada kusoo jiro goobtana saxaafada iyo sawir qaadayaasha ayaa wada joogeen xili dambe markuu Ranver yimid raali gelin buuxda ayuu ka bixiyay soo daahitaankiisa waliba dadka hortooda ayuu ku cudur daartay.

Balse Akki oo lagu yaqaano foodo iyo dhib ayaa qeyliyay isagoo saxaafada maqashiinaayi waxuuna dhahay,”ninkaan aad ujeedaan mudo 40 daqiiqo ayaan sugeynay wuuna nagu soo daahay bal hala weydiiyo meeshu jiray aniga waxaan qabaa inee Deepika soo daahisay oo ay mashquulisay markuu soo baxaayey.”

Halmar ayaa la isla qoslay dadkiu meesha joogay oodhan Ranver doorkiisa martida ah waa mid xiiso leh wuxuuna u muuqdaa madadaaliye shactiroole ah sida aan goos gooska ka aragnay waxaan sugnaaba waa 24 bishaan Maarso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here