Booliska magaalada Mumbai waxay qayb ka yihiin dhamaan booliska Hindiya ee magaalooyinka kala duwan ka howl galayaan kuwaas oo dadaal ugu jiraan xakameynta faafista Coronavirus-ka oo dhibaato xoogan Hindiya ku haayo iyo dhamaan daafaha caalamka.

Haddaba waxaa dhacday Superstar Ajay Devgn inuu baraha bulshada ku amaanay kaalinta culus ee booliska Mumbai qaadanayaan si ay dadka u garab istaagaan loola dagaalo faafista Coronavirus wuxuuna Ajay soo qoray “Booliskeena qaaliga ah ee Mumbai ka hawl galaan waxaa ka mid tihiin booliska aduunka ugu wanaagsan. Kaalintiina ku aadan la dagaalanka COVID-19 waa mid aan waxna lala bar bar dhigi karin. Singham wuxuu xiran doonaa labiskiisa kadibna gadaashiina ayuu istaagi doonaa marwalbo oo aad weydiismo iiga baahataan diyaar ayaan u ahay Hindiya ha noolaato, gobolka Maharashtra ha noolaado.”

Booliska Mumbai barta Twitter-ka ayay Ajay ugu soo jawaab celiyeen waxayna dheheen “Singham waxaa tahay qof nagu qaali ah, waxaan sameyneynaa waxa laga rabay booliska inay sameeyaan. Xasuusnaan hadda ka hor inaad sameysay filimkii ahaa Once Upon A Time In Mumbai! waana filimki Mumbai xaaladaha ay soo martay uga hadashay. Wada shaqeyn wacan geesigeena.”

Dhinaca kale ruug cadaa Suniel Shetty isagana wuxuu bogaaday kaalinta booliska Mumbai wuxuuna dhahay “Geesiyaasha aan jecelnahay, ha noolaadaan booliska Mumbai oo habeen iyo maalin u taagaan bad baadadeeda.”

Booliska iyagana wey usoo jawaab celiyeen Suniel waxayna soo xigteen filimkiisii Dhadkan ayagoo dhayen “Waan jecelnahay Dhadkeena waxaa tahay mid qalbigiisa u garaacmo Mumbai mahad sanid in badan.”

Waxaa hadal heyn xoogan abuurtay in booliska Mumbai ugu jawaab celiyeen Ajay iyo Suniel filimada ay caanka ku yihiin ayagoo soo xiganayaan waana mid siweyn baraha bulshada loogu hadal haayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here