Superstar Ajay Devgn waxaa tiyaatarada u saaran filimka Tanhaji ee looga hadlaayo nolosha dagaalyahankii Tanhaji ee gobolka Maharashtra difaaci jiray ka hor gumeysigiisa Ingiriiska sidoo kalena mashruucan Blockbuster noqday haatana sameenayo ganacsi taariikhi ah balse Devgn ciwaano aan Tanhaji ahayn ayuu maanta sameenayaa.

Ajay Devgn ayaa soo bandhigay aragtida kowaad ama kaartada kowaad filimkiisa Maidaan ee looga hadlaayo nolosha macalinka Hindiya ku weyn Syed Abdul Rahim kaasi oo xulka Hindiya dhanka kubada cagta guulo taariikhi ah gaarsiiyay.

Aragtida kowaad filimka Maidaan waxay gaar u tahay dhalinyarada ama cayaartooyda Devgn shaashada macalin ugu noqon doono balse wajigooda oo dhameestiran laguma tusaayo sidoo kalena kaartada filimkan waxay ku turjumeysaa xiligii 50-maadkii iyo 60-maadkii ee kubada cagta agabka loo adeegsado hormarsaneyn.

Filimka Maidaan waxaa la daawan doonaa 27 November 2020 waxaana Director ka ah Amit Shah oo sanadkii hore sameeyay filimkii Badhaai Ho ee Blockbuster-ka noqday waxaana looga hadlaa nolosha macalin Syed Abdul Rahim oo xulka Hindiya tababare u ahaa intii u dhaxeesay 1950 ilaa 1963 wuxuu u qaaday Hindiya tartanka Asian Games sidoo kalena qaybaha ugu dambeeyay tartanka Olympicada aduunka Hindiya gaarsiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here