Tamil Superstar Ajith Kumar wuxuu ku jiraa waqti dahabi ah madaama sanadkan labada filim uu la imaaday Viswasam and Nerkonda Paarvai Big Hits noqdeen sidoo kalena awoodiisa waxay taagan tahay halkii ugu sareesay haatana wuxuu isku diyaarinaa mashruuciisa xiga oo lagu macagaabo Valimai.

Filimka Valimai  waxaa Director ka ah H Vinoth oo Ajith u sameeyay filimkii Nerkonda Paarvai waxaana soo saare ka ah Boney Kapoor oo isla Norkanda Paarvai maal galiyay sidoo kalena Jhanvi Kapoor ayaa la sheegay inay atirisho kowaad ka tahay filimkan Ajith ku matalaayo askari mayal adag oo in badan xarakeyn doono.

Filimka Valimai  qorshaha wuxuu ahaa markii hore 15 August 2020 la daawado maalinta xurnimada Hindiya balse haatan waxaa la sheegay in mashruucan dib u dhac ku imaaday lana dabacsan yahay Diwal 2020 in la daawado sida kooxda filimkan laga soo xigtay.

Filimka Valimai duubistiisa Ajith Kumar maal maha nagu soo fool leh ayuu bilaabi doonaa weliba waxaa loo badinaa 5 bishan December weliba Superstar-kan bilooyinkii ugu dambeeyay qoyskiisa ayuu waqti la qaadanaayay haatana wuxuu diyaar u yahay shaqo adag inuu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here