Valimai’ waa mid kamid ah filimada Tamil-ka ah ee sida weyn loo sugayo 2021, filimkana wuxuu hada marayaa heer duubis.

Filimkan ayaa la sheegay inuu aad ugu badanyahy ficilada actionka ah, agaasimaha Vinoth waxuu markii hore qorsheynayay inuu kuduubo muuqaalada muhiimka u ah Switzerland. Laakiin hada, agaasimuhu wuxuu go’aansaday inuu ubadashto booska Swiz magaalada New Delhi ama Rajasthan. Sababo laxariira viruska convid

Dhanka kale, Ajith wuxuu ladabaal degay Sannadka Cusub kooxda ‘Valimai’ . Kooxdu waxay hadda deggan yihiin Hyderabad. Duubista filimkan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo bisha Febraayo, waxaana filimkan la sheegay in la sii deyn doono 29-ka Abriil ka hor dhalashada Ajith oo 50-jirsan doono

Dhawaan, dhowr sawir oo Ajith ah oo laga soo qaaday filimka ‘Valimai’ ayaa lagu faafiyey baraha bulshada, Dhanka kale, taageerayaasha ayaa sugaya inay helaan war rasmi ah filmka ‘Valimai’. Xiliga ladaawan doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here