Dhawaan waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Thala Ajith Kumar filimkiisa 60-aad ee lagu magacaabo Valmai waxaana Director ka ah H. Vinoth oo sanadkan u sameeyay filimkii HIT-ka noqday Nerkonda Parvaai sidoo kalena Boney Kapoor oo isla mashruucii Nerkonda Parvaai maal galiyay ayaa midkaana maal galinaayo.

Ajith Kumar ayaa filimka Valmai ku matali doono askari mayal adag waxaana loo duubayaa si caalami ah ayadoo dalal kala duwan oo qaarada Yurub ku yaalo lagu duubi doono haatana shaqadiisa gudaha Hindiya ayay ka socotaa waxaana atirisho kowaad looga dhigay Jhanvi Kapoor oo uu aabo u yahay Boney Kapoor sidoo kalena Sridevi-dii geeriyootay dhashay.

Ajith Kumar ayaa garka iska xiiray madaxa madoobeestay sidoo kalena miisaankiisa dhimay wuxuuna diyaariyay jirkiisa si uu filimka Valmai in badan ugu xarakeeyo madaama ficilo halis ah sameyn doono iyo is bursi dheeraad ah sida Director H. Vinoth laga soo xigtay.

Filimka Valmai qorshaha wuxuu yahay xagaaga dambe 2020 ama bisha August ee sanadka dambe in la daawado waxaana la qorsheenaa luqadaha Tamil, Telugu, Hindi, Malayalam iyo Kannada lagu daawado waana filim si caalami ah loo sameenayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here