Akhbaar ayaan u heynaa asxaabta ku xiran taxanaha Kimse Bilmez (Cidna ma oga) kaasoo waqtigii uu soo gali jiray la badalay. Goormuu soo gali doonaa?

0
473

Taxanaha Kimse Bilmez oo afsoomaali ahaan noqonaayo cidna ma oga ayaa kamid ah taxanayaasha sida weyn loogu xiranyahay wuxuuna heystaa shacbiyad balaaran asigoona isku darsaday Action, Jaceyl, Comedy iyo sheeko isku xiran.

Taxanahaan ayaa soo gali jiray habeen arbaco caawo oo kale isbuuc kasta wuxuuna kasoo gali jiray kanaalka ATV kaasoona kamid ah kanaalada ugu waaweyn ee Turkiga.

Hadaba taxanahaan ayaa hada kadib loo badalay habeen axad saacadu markey tahay 8;00PM waxaadna kala socon kartaa ATV hadii uusan kuugu jirina waxaad live uga daawan kartaa Youtubkooda.

Hadaba akhristow hadii aad kamid tahay asxaabta ku xiran taxanahaan nala wadaag fikradaada iyo siduu kula yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here