Akhbaar farxad leh oo aan u heyno daawadayaasha jecel taxanaha The Matrix.

0
951

The Matrix filimka la yiraahdo wuxuu kamid yahay filimada loogu jecelyahay aduunka sidoo kalana ay ku faanaan shirkada Hollywoodka waana filim aan inaba caadi aheyn sida loo qoray la iskuna daba riday.

Filimkaan oo 3 qeybood ka koobnaa ayaa qeybtiisa koowaad soo baxday sanadkii 1999kii waxaana ku xigtay labo qeyb kale kuwaasoo iyagana soo baxeen sanadkii 2003dii dhamaantoodna waxay gaareen guulo waaweyn waxaana aad loo amaanay habka sheekada loo dhigay iyo akshanada filimka ku jiraan si lamid ahna waxaa lagu qaatay abaalmarino badan.

Hadaba bishii agoosto sanadkaan waxaa lagu dhawaaqay in filimkaan qeybtiisa 4aad la sameyn doono iyadoona sheekadiisa la diyaariyay waxaana lala wadaagay hogaamiya filimkaan qeybihiisii hore ee Keanu Reeves.

Keanu Reeves ayaa aqbalay inuu sameeyo filimkaan qeybtiisa 4aad asigoona aad ula dhacay sheekada The Matrix 4 waxaana  sidoo kale filimkaan sameyn doono sheekadana qoray isla gabdhihii qeybihii hore qoreen ee Lilly Wachowski iyo Lana Wachowski.

The Matrix 4 ayaa waxaa duubis lagu bilaabi doonaa sanadka dambe 2020ka waxayna u badantahay in la daawan doono 2021da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here