Akhbaar farxad leh oo aan u heyno taageerayaasha Aishwarya Rai.

0
1019

Aishwarya Rai waxay kamid tahay atariishooyinka taageeraha balaaran kuleh India iyo daafaha caalamkaba iyadoona atariishadaan muuqaalkeeda quruxda badan kusoo jiidato qofkasta waana boqoradii hore ee aduunka.

Aishwarya oo kamid ah jilayaasha Bollywoodka ayaa dib ugu laaban doonto koonfurta India iyadoona sagaashamaadkii halkaas ka howl gali jirtay inteysan Bollywoodka rasmi u cago dhigan.

Filimada koonfurta ay wax kajishay Aish waxaa kamid ah Tamil Iruvar oo uu soo saare kayahay Mani Ratnam iyo filimka Jeans kaasoo uu Director kayahay Shankar iyo waliba filimka Endhiran oo ay kala soo muuqatay jilaaga weyn ee Rajinikanth.

Hadaba Aish ayaa dib ugu laaban doonto markale koonfur India waxayna kasoo muuqan doontaa mashruuca weyn ee miisaaniyada weyn xambaarsan ee Ponniyin Selvan.

Mashruucaam ayaa waxaa la isugu keenay jilayaal waaweyn oo ay kamid yihiin Vikram, Karthi, Jayam Ravi, Keerthy Suresh iyo waliba Amala Paul.

Filimkaan oo miisaaniyad weyn xambaarsan ayaa ka hadlaayo ruwaayad Tamil ah waxayna Aish ku mataleysaa boqorada Tamilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here