Akhbaar farxad leh oo aan u heyno taageerayaasha Akshey Kumar xili lagu wado in Akshey hogaamiye looga dhigo filimka DHOOM 4.

0
3043

Taxanaha DHOOM ayaa kamid ah taxanayaasha loogu jecelyahay filimada hindiga asigoona ilaa iyo haatan laga sameeyay sadax qeybood.

Qeybtii koowaad waxaa ku xarakeeyay nagana yaabsaday John Abrahan halka qeybta labaadna uu wacdaro ku dhigay Hrithik Roshan iyadoona qeybta sadaxaad boorka ka jafay Amir Khan.

Waxaa jireen warar badan oo xan u badan kuwaasoo ka hadlaayay jilaaga xiga ee loo dhiibi doono taxanaha Dhoom 4 iyadoona lasoo hadal qaaday jilayaal ay kamid yihiin Salman Khan Shahrukh Khan iyo kuwa kalaba.

Balse haatan waxaa soo baxaayo in Dhoom 4 uu hogaamin doono isla markaasna doorka laadarka uu matali doono jilaaga Akshey Kumar kaasoo subaxaan tiyaatarada India loo saaray taxanaha Housefull qeybtiisa 4aad.

Akshey ayaa ah jilaaga ugu mashquulka badan Bollywoodka asigoona ay miiska u saaranyihiin filimo ay kamid yihiin Good News, Sooryavanshi, Laxmmi Bomb, Bachchan Pandey iyo Housefuul 4 oo saakay tiyaatarada loo saaray waxaana lagu wadaa liiska dheer ee filimadiisa haatan lagu daro Dhoom4.

Sida ay sheegayaan warbixino hoose oo laga helaayo shirkada Yesh Raj Films ee filimkaan iska leh Aditya Chopra ayaa ku qanacsan in Dhoom 4 uu munaasab ku yahay Akshey Kumar xili la sheegay in labadooda ay kulan hordhac ah yeesheen kana wada hadleen suurto galnimada uu AK ku hogaamin karo filimkaan.

Hadii ay dhacdo in Aditya Chapra iyo Akshey Kumar heshiiyaan waxaan daawan doonaa Dhoom4 oo uu hogaamin doono Akshey Kumar waana khabar farxad u leh taageerayaasha Khiladi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here