Akhbaar farxad leh oo aan u heyno taageerayaasha atariishada Hazal Kaya.

0
1015

Atariishada Hazal Kaya sidoo kalana ku caan baxday doorkeeda taxana Fareexa dhanka Soomaalida ayaa kamid atariishooyinka ugu waaweyn Turkiga waqti xaadirkaan ayadoona aad loo jecelyahay taxanayaasha ay keento.

Hadaba atariishadaan oo sanad ku dhawaad mudo laga joogo hooyo noqotay sidoo kalana in mudo ahba fanka ka maqneyd ayaa ugu dambeyn lagu dhawaaqay taxanaha cusub ee ay kasoo muuqan doonto.

Hazal Kaya ayaa saxiixday taxane cusub oo lagu magacaabo Pera Palas kaasoo laga soo minguuriyay buuga isla magacaan wato ee Pera Palas Gece Yarisi waxaana toos looga daawan doonaa shabakada Netflix.

Mashruucaan ayaa dhawaan duubis lagu bilaabi doonaa, waana akhbaar ay aad usoo dhaweeyeen Jamaahiirta atariishadaan kuwaasoo aanan in mudo ahba shaashada ka daawanin. Wixii akhbaar kusoo kordhana halkaan ayaad kala socon doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here