Akhbaar farxad leh oo aan u heyno taageerayaasha jilaaga Burak Ozcivit kaasoo aragtidii koowaad ee taxanihiisa weyn ee Dirilis Artugru lasoo bandhigay.

0
1622

Burak Ozcivit waa jilaaga ugu caansan uguna shacbiyada balaaran gudaha turkiga asigoona sameeyay taxanayaal waaweyn dadweynahana aad uga heleen.

Hadaba jilaagaan tan iyo sanadkii 2017dii ma uusan la imaanin wax taxane ah inkastoo mudadaas uu kasoo muuqday labo filim hadana jamaahiirta la socon jitay taxanayaashiisa aad ayay ugu xiiseen.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa akhbaar wanaagsan oo ku saabsan taxanaha uu Burak kusoo laaban doono kaasoo ah Dirilis Osman kana hadlaayo taariikhdii aasaasidii boqortooyadii Osman Bey waxaana doorkaas matali doono Burak Ozcivit.

Taxanaha ayaa lagu dhawaaqay in bilowga bisha November ee sanadkaan soo gali doonto xalqadiisa koowaad waana akhbaar ay aad ugu farxeen taageerayaasha xidigaan maadaama ay jireen warar sheegaayay in taxanaha uusan bilaaban dooni ilaa 2020ka balse khabarkaas ayaa hada beenoobay.

Insha’allah qormadeena xigta ayaad kaga bogan doontaa xogta taxanahaan oo dhameystiran.

Halkaan hoose ka arag sawiro hordhac ah oo laga soo bandhigay taxanaha Dirilis Osman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here