Akhbaar farxad leh oo aan u heyno taageerayaasha Shahrukh Khan.

0
1509

SRK waa mid kamid ah jilayaasha loogu jecelyahay gudaha India iyo daafaha caalamkaba waana jilaa guusha la saaxiib ah inkastoo waayadaan dambe awoodiisa Box Officeka hoos u dhacday balse waxaa u sabab ah asigoon la imaanin fariimo soo jiidasho leh.

Ma jirto cid shaki galin karto tayada jiliin ee uu leeyahay SRK waana mida uu ku kasbaday malaayiin taageerayaal uu daafahaa caalamka ku leeyahay balse waayadaan dambe filimo fariintooda wanaagsaneyn ayuu la imaanayay arintaasoona hoos u dhac u keentay jilaagaan.

Hadaba waxaan idiin heynaa akhbaar farxad leh kadib markii SRK ku dhawaaqay in uu ku gudo jiro soo laabashadiisa asigoona haatan wada akhrinta nasuusta filimadiisa xiga wuxuuna ka dooran doonaa mashruucii soo jiito.

SRK ayaa yiri; “aniga mashaariicda ayaan akhrin ku wadaa filimkeyga xigana waxaa lagu dhawaaqi doonaa bil ama labo bilood kadib”

Arintaan ayaana waxaa farxad ka muujiyay taageerayaasha jilaagaan bacdamaa uu ku dhawaaqay in ugu dambeyn filimkiisa xiga mudo labo bilood gudahooda lagu dhawaaqi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here