Iyadoo Filimka Sooryavanshi uu taagan yahay gabo-gabo waxaa soo baxaya warar sheegaya in Filimkaas ee ka soo muuqan doonto Atariisha caanka Rani Mukerji.

Filimka ayaa ka hadlaya halista argagixisannimada iyo sida loola tacaamuli karo wuxuu sidoo kale dirayaa farriin muhiim ah oo ah in muslimiinta Hindiya ay daacad u noqdaan sidee ula dagaalami lahaayen argagixisada.

Filimkaan waxaa ka soo muuqan doono magacyo waa weyn sida Akshay Kumar, Katrina Kaif, Ranveer Singh hddana waxaa la sheegayaa in Rani qayb loogu dhigo filimkaan.

Rohit Shety oo ah sameeyaha filimkaan ayaad aad ula dhacay qaab jiliinka Rani Mukerji filimkii Mardaani 2 taas oo ku dhalisay fikrada ah in Filimkaan Sooryavanshi ee qayb ka noqoto Rani. Waxaana la arkay Rohit Shety oo kulan la qaadanaya Rani si ee ugu mid noqoto filimka Sooryavanshi oo dhawaan soo bixi doono.

Rani Mukerji ayaa ku jileesay Filimka Mardaani gabar Boolis oo geesiyad ah iyadoo meel adag ka soo istaageesa dagaal adagna la galeesa dhagar qabe haweenka si arxan daran u dilaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here