Atooraha dhalinta yar Akhil ee uu aabo u yahay Superstar Nagarjuna halka Naga Chaitanya walaalo yihiin waxaa u diyaarsan filimka la wada sugaayo ee lagu magacaabo Most Eligible Bachlelor waana filim la doonayo Akhil inuu shacbiyad balaaran ku yeesho.

Filimka Most Eligible Bachlelor waxaa Director ka ah Bommarillu Bhaskar halka Pooja Hedge atirisho kowaad ka tahay sidoo kalena filimkan duubistiisa wax yar ayaa ka harsaneyd marka ay xaalada caadi kusoo laabato ayaa la dhameestiri doonaa kadibna tiyaatarada la saari doonaa filimka Telugu ama Tollywood ah.

Haddaba waxaa la ogaaday sheekada filimkan xiisaha badan ayadoo Akhil ku jili doono wiil Hindi qurbo joog ah oo gudaha Hindiya dib ugu soo laabanayo si uu u guursado wuxuuna ke halaa Pooja Hedge oo uu rabo inuu guursado. Balse marka ay waqti yar isla qaataan isma fahmayaan madaama dhaqan ahaan aad u kala duwan yihiin. Sidaa darteed wey kala harayaan balse Akhil gadaal ayuu ka ogaanaa in Pooja Hedge uusan ka maarmin waxayna gabadhan filimkan ku mataleysaa qofka dadka tiyaatarada ka mada daaliyo oo dhanka shactirada looga haray.

Akhil wuxuu ku kalsoon yahay in filimka Most Eligible Bachlelor u guuleesan karo daawadayaashana ka heli doonaan madaama labadiisii filim hore wiilkan ganacsi ahaan ka guul dareesteen kuwaas oo kala ahaayeen Akhil (2017) iyo Mr. Majnu (2019).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here