John Abraham maanta wuxuu ka mid yahay atoorayaasha Action-ka iyo jirdhiska Bollywood-ka looga haray sidoo kalena waa shaqsi isku filnaan gaaray oo xitaa aflaanta maal galiyo

John Abraham saxaafada waxay ugu yeertaa murqaaniga Bollywoodka waa mid kamid ah atoorayaasha ugu jir dhisan ee Bollywoodka kudhex jiraan kuwaaso had iyo jeer jimicsiga jirkooda ku dadaalan.

sida aan la wada socono aktar walba oo bollywoodka ka tirsan inuu sameesto ilaaliye  maadaama kalsoonida ay sii yaraanayso sidoo kale cabsida ay sii kordhaysaa

sababtoo ah waxaa arkaysaa in shaqsiga kasta oo caan ah inuu qarash fara badan ku bixiyo si uu sameesto qof isaga ilaaliye u ah isagoo aaminsan inuu jiro dad isaga cadow ku ah

shah rukh khan, salmankhan, akshay kumar , ajay devgan, amirkhan, amithab bachachan iyo aktaro kale oo badan ay qarash waali ah ku bixiyaan sidiii loo sugi lahaa amaankooda iyagoo sameesteen shasiyaad iyaga ilaalo u ah

laakiin waxaa hadda lasoo ogaaday in aktarka John abraham inuusan lahayn ilaaliye ama bodyguard taaso ah mid qof walba uu la yaabi doono john abraham ayaa ka weydiiyay sababta uusan u jeclayn inuu sameesto ilaaliye

John abraham ayaa sheegay inaysan hadda jirin sabab uu ku sameesto ilaaliye maadaama uusan ka helin isla weynida isagoo hadlaya waxa uu yiri ” aniga kama duwani dadka caadiga ah kuwaaso doonaya inay ku nolaadaan nolol xuriyad ah taaso aan lahayn cabsi sidoo kale dadka aan ka cabsanaayo iyaga bahalo ma ahan sababtoo ah hal dhiig ayaa nagu wada jira waa dadkayga mana jecli inan ka cabsado sababtoo ah dadka waxa ay kaa cabsi geliyaan marka aad adiga dareensiiso anad ka cabsanayso”

dhanka shaqada john abraham waxaa hadda tiyaatarada u saaran sida filimka filimka BatlaHouse kaaso la daawaday 15 bishan august oo ku beegan maalinta xoriyada dalka india

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here