Akin Akinozu (Miran) muxuu magaalada Istanbull ka qabanayaa?

0
1619

Jilaaga Akin Akinozu ayay saxaafada sawiro kasoo bandhigeen xili uu joogay magaalada Istanbull waxayna halkaas ku weydiiyeen su’aalo dhowr ah.

Akin ayay weydiiyeen sababta uu Istanbull u joogo maadaama taxanihiisa aan halkaas lagu duubeynin oo lagu duubayo magaalada Midyat la yiraahdo wuxuuna sheegay in Istanbull uu fasaxa isbuuca u joogo.

Akin ayaa sheegay in isbuucii labo maalmood fasax leeyihiin oo ay duubista taxanaha ka nastaan waana sababta buu yiri uu Istanbull u joogo asigoona maalmahaas kaga faaideysto inuu fasaxiisa la qaato qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

Taxanaha Hercai uu hogaaminayo Akin ayaa haatan marayo meel xiiso leh wuxuuna marayaa haatan xalqadiisa 15aad ahna xalqada 3aad ee season 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here