Jilaaga Akin Akinozu oo ay soomaalida u taqaano Miran ayaa ka hadlay guusha uu gaaray taxanaha uu hogaamiyaha kayahay ee Hercai kaasoona guul taariikhi ah ku socdo.

Akin taxanahaan kahor ma uusan la imaanin taxane saameyn leh wuxuuna iska ahaa atoore iska dhacdhaco dadkana aan ka gadi Karin sheekooyinka taxanaha waxaana intaas usii dheereyd in miisaankiisa uu ahaa 120kg asigoona horay uga fahilmeen dhowr taxane.

Akin ayaa qirtay in isbadalka uu jirkiisa ku sameeyay sabab u aheyd in qaab jiliinkiisa iyo xirfadiisaba isbadalaan wuxuuna asigoo arinkaas ka hadlayo yiri; “waxaan dareemay awooda isbadalka markii aan miisaankeyga ahaa 120kg ka dhigay 70kg”

Akin oo tan iyo sidii uu miisaankiisa u dhimay shacbiyadiisa aad u korortay siiba markuu la yimid taxanaha Hercai ayaa intaas ku daray; “tijaabadaan aan jirkeyga mariyay waa mid duruufta sabab u aheyd” asigoona kala jeeday inuu ku qasbanaa si uu boorka isaga jafo taasoona uu ugu dambeyn guul ka gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here