Maanta oo kale 25 November 2005 waxaa la daawaday Filimka shactirada badan ew Dewane Huye Paagal kaaso ganacsi ahaan Flop noqday ama Film guul dareestay waxaana wada jileen Akshay Kumar, Suniet Shetty, Shahid Kapoor, Paresh Rawal, Rimi Sen iyo kooxdii shactirada oodhan.

14 sano ayaa laga joogaa daawashada mashruuca xiisaha leh ee ilaa iyo hada Tv-yada laga jecel yahay waxaan kasoo diyaarinay xaqiiqooyin laga diiwaan galiyay hoos kaga bogo kuwaaso ku xiiso galin doonaan.

Xaqiiqada 1-aad: Inkastoo Filimkaan jilayaal badan la isugu keenay hadana Box-office-ka Flop ayuu ka noqday waxaana xusid mudan xiliyadaas jilayaal badan Filim la isugu keenay inuu guul weyn gaari jiray daawadayaasha wey ka niyad jabeen markee ogaaden inuusan ahen qeybta labasd ee Filimka Awara Paagal Deewane.

Xaqiiqada 2-aad: Atiriishada Rimi Sen ee jilayaasha oodhan isku dagaalayaan codkeeda rasmiga ah kama maqleysid Filimkaan oo gabar kale ayaa u codeysay sababo la xiriira inee fanka ku cusbeed ayna oa jaan qaadi weysay xirfad ahaan inee wax codeyso.

Xaqiiqada 3-aad: Filimkaan markii tiyaatarada la saaray waxaa loo maleeyay inuu yahay qeybta labaad ee Awara Paagal Deewana sababto jilayaasha Filimkaas badankooda ayaa Filimkaan sameyeen sida Akshay, Suniel, Paresh, Johnny, Om Puri iyo kuwa kale balse ma noqon qeybta labaad ee Filimkaas waana mida keentay in laga niyad jabo.

Xaqiiqada 4-aad: David Dhawan ayaa saxiixday Filimkaan si uu Director kaga noqdo laakii sababo aan la ogeyn aawged wuu ka baxay gabi ahaan mashruucan.

Xaqiiqada 5-aad: Anil Kapoor ayaa saxiixday Filimkaan laakiin markii dambe kooxda Filimka ayaa la saxiixdeen Akshay Kumar doorkii Anil sameeyn lahaana Akshay ayaa la siiyay sababto ah isaga xiligaas shactirada ku wanaagsanaa.

Xaqiiqada 6-aad: xurguf yar ayaa dhexmartay Akshay Kumar iyo Shahid Kapoor sababto ah Akki waxuu jarjaray ama yareeyay doorka Shahid Kapoor oo muuqaalo badan ayuu ka saaray intuu qolka filimada lagu faafreebo galay ayuu gacantiisa ku Edit-gareeyay midaasna Shahid markuu maqlay wuu ka xanaaqay muran ayaa dhexmaray waana la heshiisiiyay ugu dambeyn muuqaaladii Shahid ee la faaf reebayna ilaa maanta sidii ayee ku maqan yihiin.

Xaqiiqada 7-aad: Vivek Oberoi ayaa Filimkaan muuqaal marti ah kuleh waana qofka daawadayaasha oga sheekeynaayo hadba sheekada Filimka halka ay mareyso.

Xaqiiqada 8-aad: Aftab Shivdasni ayaa muuqaal marti ah kuleh waxuuna soo baxaa dhamaadka Filimka oo atiriishada ayuu ka dulqaada dhamaan jilayaasha atiriishada isku heestaan inkastoo marka dambe Shahid helaayo hadana Aftab muuqaalkaas ayaa lagu casuumay oo marti ahaan kaga soo muuqday.

Xaqiiqada 9-aad: Ajay Devgn ayaa saxiixday doorka Suniel Shetty inuu sameeyo balse fursad ayuu heli waayey waxuu duubaayey Filimo kale booskiisana Suniel Shetty ayaa galay.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here