Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay geerida jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput kaaso xiliga subaxa hindiya laga helay meeydkiisa gurigiisa dhexdiisa oo ku yaalo magaalada Mumbai ilaa hadana waxaa baaritaan lagu wadaa sababta ka dambeysa dhimashadiisa iyo waxa uu isku dilay.

Balse hal arin ayaa la hubaa inuu xanuunsanaa mudooyinkii u dambeyeen sido kalena mudadii bandowga hindiya kaligiid ayaa guri ku noolaa hadaba Bollywoodka naxdin wey ayee ku noqotay geerida Sushant oo 34-jir ah daqiiqado kahor lasoo sheegay.

Superstar Akshay Kumar ayaa qoraal rasmi ah kasoo saaray arinkaan isagoo ka tacsiyoonaya naxdina ku ah warka uu maqlay waxuu yiri,”markaan daacad u halo fagtii hore markaan maqlay geerida Sushant aad ayaan unaxay hadalka ayaa igasoo bixi waayey waxaan xasuusta markaan daawaday Chhchhore inaan saaxiibkey Sajid (qarashgareyaha) usheegay filimkaan sida uu u fiicnaa iyo bandhiga Sushant sida aan kaga helay hubaal ahaan atoore xirfad badan ayaan weynay waxaan u tacsiyoonaa oo murugada la qeybsana qoyskiisa. ”

Sushant filimkiisa u dambeya Drive ayuu ahaa kaaso Netflix laga daawaday waxaana la jishay Jacqueline Fernandez sidonkale filimada Chhichhore, PK, Kedarnath waa lagu soo xasuusan doonaa jilaagan ahaa shumac Bollywoodka usoo baxaayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here