Akshay Kumar, Ajay Devgn iyo Varun Dhawan filimadooda sida Online-ka ah dhawaan loo daawanayo

0
615


Madaama tiyaatarada Hindiya in mudo ah xirnaayeen waxaa dhacday bilooyinkii aan kasoo gudubnay in filimo waa weyn iibsadaan shirkadaha adeega sida Online-ka ah bixiyaan ee aflaanta laga daawado.


Waxaana xusid mudan in Akshay Kumar filimkiisa Laxmi Bomb, Ajay Devgn filimkiisa Bhuj iyo Varun Dhawan filimkiisa Coolie No. 1 lagu iibsaday 500 Crore ($68m) waana lacag waali ah balse lacagtan ka badan ayay soo xareen lahaayeen haddii waqtigii loogu tala galay tiyaatarada la saari lahaa.


Akshay filimkiisa Laxmi Bomb waxaa laga daawan doonaa barta Disney+Hotstar 9-ka bisha November nagu soo fool leh feestada Diwali xiliga ay jirto, Varun filimkiisa Coolie No.1 barta Amazon Prime ayaa laga daawan doonaa 25-ka December dabyaaqada sanadkan feestada Christmas-ka halka Ajay filimkiisa Bhuj – The Pride Of India shirkada Disney+Hotstar iibsatay balse weli shaaca lagama qaadin waqtiga la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here