Walaac, wal bahaar iyo cabsi badan ayay dadka ka qabaan faafista Coronavirus-ka iyo in dadka lagu soo rogay bandow laguna cadaadinayo inay guryaha ku jiraan sidaas oo ay tahay qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka waxay u istaageen inay dadka ku booriyaan is dajiyaan sidoo kalena amarada dowlada qaataan guryahana ku jiraan si looga guuleesto cudurkan halista.

Sidaa darteed Akshay Kumar, Ajay Devgn iyo Suniel Shetty oo mudo dheer fanka Hindiya kusoo jireen ayaa kasoo muuqdeen hees wacyi galin ah oo lagu magacaabo Stay Home Stay Safe waxaa lagu soo bandhigay luqadaha Hindi, Marathi iyo Tamil waana hees hab raab ah loo qaaday sidoo kalena qiiro badan.

Sidoo kale heeskan waxaa kasoo muuqdeen Atul Kulkarni, Dia Mirza iyo Rana Daggubati waxaana heeskan Director ka ah sidoo kalena qoray Joel D’Souza waxaana ku luqeeyeen kooxda lagu kala magacaabo MC Altaf, Tony Psyko of Dopeadelicz iyo Bonz N Ribz of 7Bantaiz.

Heeskan waxaa maal galisay shirkada Gully Gang Entertainment fadlan hoos ka daawo kadibna fikirkaaga nala wadaag heeskan Akki, Ajay iyo Suniel kasoo wada muuqdeen:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here