Superstar Akshay Kumar waa atoorihii ugu horeeyay ee dowlada Hindiya garab istaagay ee Coronavirus dagaal kula jirto kadib marki 25 Crore ($3.2m) gaareyso ugu deeqay. Sidoo kalena mar dhexdaas 3 Crore ($392k) dheeraad ah ayuu deeqa ahaan u bixiyay si dadaalka loo sii wado.

Haatana Akshay Kumar wuxuu 2 Crore ($261k) ugu deeqay hay’ad booliska Mumbai iska leeyihiin madaama booliska habeen iyo maalin soo jeedaan shaqo adagna haayaan Kumar si gaar ah ayuu booliska u garab istaagay iyagana siweyn ayay ugu mahad celiyeen.

Akshay Kumar ayaa ka danqaday geeridii ku timid labo sarkaal oo booliska Mumbai ka tirsan kuwaas oo shaqo adag hayeen dhawaana geeriyoodeen wuxuuna lacagtan ugu deeqau hay’ada samafalka booliska Mumbai si labada sarkaal ee geeriyoodeen ayagoo bulshada u adeegayaan qoysaskooda loo ogaado.

Dhinaca shaqada markaan idin xasuusino Kumar waxaa u diyaarsan filimada Sooryavanshi oo la daawan lahaa 24 Maarso 2020 iyo Laxmi Bomb oo la daawan doono 22 May 2020 balse labadan filim dib u dhac ayaa ku yimid daawashadooda waxaana masraxa la saari doonaa markii xaalada caadi kusoo laabato oo laga guuleesto dagaalka lagula jiro cudurka dunida oo idil guryaha ku celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here