Superstar Akshay Kumar ayaa hanjabaadii ugu weyneed ka helay Gangester lagu magacaabo Ravi Pujari kaaso Akki kasoo wacay Mobile-kiisa gacanta uguna hanjabay inuu dili doono.

Sanadkii 2013 ayee ahed sheekadan xili la shaaciyay in Akki lambar uusan aqoonin soo wacay dilna ugu hanjabay hadii uusan siduu rabo u yeelin ninkaan ayaana magaciisa ku sheegau Ravi Pujari inuu yahay Police-ka ayaa ammaanka Akki sugi jireen ilaa in mudo ah.

Balse arrinka layaabka leh ayaa waxay tahay in Maafiyahana laga soo xigtay inuu yiri ama fariin uu usoo diray bulsha weynta India ayaa ahed sida tan,” Akshay Kumar iska ilaawa wuu geeriyooday mar dambe magaciisa xitaa ma maqli doontaan sababto ah goordhow waan dili doonaa marka aktiina wuu ka geeriyooday.”

Dadka qaar ayaa ninkaan ku sheegen inuu yahay mid doonaya inuu kusoo caan baxo Superstar-kan halka kuwa kalena ku sheegen inuu yahay mid lacag doon ah sikastee ahaataba sheekadan waxaa saxaafada ugu war dambeysay iyagoo ninkaa baaritaan lagu sameeynaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here