Kabtanka xulka Hindiya cayaarta Cricket-ka Virat Kohli looma dhawaan karo sanadkii sedexaad oo xariir ah ayuu noqonayaa shaqsiga daqliga ugu badan xayeysiimaha ka kasbado gudaha Hindiya marka laga hadlaayo shaqsiyaadka caanka ah waana arin ay maaro u weysan yihiin jilaayaasha Bollywood-ka.

Virat Kohli ayaa kasbaday $237.5m sanadkii hore 2019 xayeysiimaha uu sameeyay ayuu ka helay sida ay shaaca ka qaaday shirkada Duff & Phelps weliba 39% ayuu sare u kacay lacagaha uu Virat ka helay dhanka xayeysiimaha kala duwan uu sameeyo.

Superstar Akshay Kumar sanadkii hore kaalinta sedexaad ayuu ku jiray balse markan booska labaad ayuu soo galay dhanka daqliga xayeysiimaha laga helo wuxuuna kasbaday $104.5m sanadkii hore asigoo 55.3% sare u kacay daqliga uu xayeysiimaha ka helo.

Waxaa cajiib ah lamaanaha nolosha ka dhaxeyso Deepika Padukone iyo Ranveer Singh inay isku daqli dhanka xayeysiimaha ka kasbadeen oo ah $93.5m waxayna ku kala jiraan kaalimaha sedexaad iyo afaraad, weliba Deepika waa atirishada daqliga ugu badan kasbato ee Bollywood-ka ka tirsan waana sanadkii labaad isku xigto Deepika dhanka gabdhaha hogaanka u heyso.

20-ka shaqsi ee ugu caansan gudaha Hindiya sidoo kalena daqliga ugu badan kasbadeen wadar ahaan waxay heleen lacago gaarayo $1 bilyan inay sare u dhaafeen weliba 10-ka ugu sareyso ayaa 75% lacagta heleen. Sidoo kale sanadkan jiil cusub ayaa liiskan soo galeen oo markii ugu horeesay kasoo muuqdeen waxaana ka mid ah Ayushmann Khurrana oo kaalinta 10-aad galay, Tiger Shroff oo kaalinta 17-aad galay iyo Rohit Sharma oo 20-aad soo galay.

Fadlan hoos kaga bogo 20-ka shaqsi ee ugu gudaha Hindiya ugu caansan ee daqliga ugu badan dhanka xayeysiimaha ka kasbadeen sanadkii hore 2019:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here