Nidaamka kala saarista awoodaha jilaayaasha waxay shabakada BOI isku raac siisaa toban sano kasto sidaa darteed 10-kaan sano (2010 ila 2019) haatan gabo gabo ayuu yahay waana muhiim inaan idinla wadaagno atoorayaasha awooda leh dhibcaha ay heestaan.

Sidee BOI ku qiimeysaa dhibcaha ay bixiso: waxay ku qiimeysaa aflaanta guulaha gaaraan oo dhibco gaar ah lagu xeen daabo sida xeerka yahay hoos kaga bogo:

All Time Blockbuster – 750 dhibcood ayaa lagu helaa

Blockbuster – 500 dhibcood ayaa lagu helaa

Super Hit – 250 dhibcood ayaa lagu helaa

Hit – 100 dhibcood

Haddaba waxaan idiin heynaa Akshay Kumar iyo 10-kan sano dhibcaha uu heesto wadarta guud Star Power Point System waxaa loo yaqaano.

All Time Blockbuster 0-filim

Blockbuster 1-filim (Rowdy Rathore) – 500 dhibcood.

Super Hit 7-filim (Housefull 2, OMG, Airlift, Rustom, TEPK, 2.0, Mission Mangal) – 7×250 = 1750 dhibcood

Hit 5-filim (Housefull, Holiday, Housefull 3, Jolly LLB 2, Kesari) – 5×100 = 500 dhibcood.

Wadarta Guud dhibcaha uu Akshay Kumar heesto 10-kaan sano (2010-19) – 2750 dhibcood.

F.G: Akshay waxaa u harsan filimada Houseull 4 iyo Good News hadii ay Hit dhameestiran noqdaan dhibco ayuu ku heli doonaa.

Gunaanad: Shabakada BOI waxay dhibco ku bixisaa marka uu filimka HIT dhameestiran noqdo (Hit, Super Hit, Blockbuster & All Time Blockbuster) waa marxalada filimka macaash looga helo.

La soco Ajay Devgn iyo dhibcaha uu heesto 10-kaan sano (2010-19).

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here