Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor wada shaqeyntooda waxay soo bilaawatay 18 sano kahor (2001) waana labo jioaa nolosha dhabta ah saaxiibo ah Bebo fagaaro banaan ayee ka sheegtah in Akki kamid yahay shaqsiyaadka ay ugu jeceshahay Bollywoodka iyo saaxiibkeed qaaliga inuu yahay.

Si lamid ah Kumar dhowr jeer ayuu sheegay in Kareena aad isugu dhow yihiin sido kalena seygeeda Saif Ali Khan isagana ay saaxiib yihiin ilaa 90-kiina wada shaqeyn jireen hadaba waxaan idiin heynaa guud ahaan Filimada Akshay iyo Kareena wada hogaamiyeen iyo mid walba natiijadiisa.

Sida guud labadsn jilaa ee shaashads markee kasoo wada muuqdaan lawada jecel yahay nssiib uma yeelan mudo 18 sano ah inee hal Filim oo Hit noqday xitaa isla sameyeen filimada ay wada sameyeen waa 6 halka kuwa muuqaal marti ahaan oga soo wada muuqdeen jiraan.

6 Filim Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor isla sameyeen iyo mid walba natiijadiisa hoos kaga bogo kuma jiro Filim Hit ah:

Ajinabee: Average

Talaash: Flop

Aitraaz: Average

Bewafaa: Below Average

Tashan: Below Average

Kambakhhti Ishq: Average

Akki iyo Bebo 6 Filim ayee wada sameyeen 3 kamid ah wey guulesteen halka 3 kale guul dareesteen taasi oo kadhigan 50% Filimadee isla sameyeen inee guulesteen halka 50% kale guul dareesteen.

Waxaa xusid mudan in xitaa uusan kujirin Filim Hit u dhowaaday oo noqday Semi Hit Filimada muuqaalo marti ahaan ay ku kulmeen waxaa kamid ah Rowdy Rathore iyo Gabar is Back oo Bebo lagu marti qaaday.

Dhamaadka sanadkaan waxay la imaan doonaan Filimka Good Newwz oo ah Filimkooda 7-aad hogaamiyaal ka noqdaan hadaba mashruucan shactirada ah maka saari doonaa xidigahan abaarta Hit la’aanta ah maadama Filimadee isla sameyeen oodhan hal Hit kujirin 27 December ayaa la sugayaa suaashan jawaabteeda.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here