Home » Wararka Maanta » Akshay Kumar Iyo Priyanka Chopra Filimada Ay Sameyeen Iyo Midwalba Natiijada Uu Box-office-ka Ka Gaaray!!

Akshay Kumar Iyo Priyanka Chopra Filimada Ay Sameyeen Iyo Midwalba Natiijada Uu Box-office-ka Ka Gaaray!!

Akshay Kumar iyo Priyanka Chopra waxay kamid ahaayen lamaanaysha loogu jecelyahay Bollywoodka bilawgii qarnigaan.

Xidigahan xitaa waxay gaartay iskusoo dhowaanshahoda heer laga shakiyo xiriir hoosana ay yeeshtaan, hadaba waxaan maqaalkaan ku saleen doonaa aflaamta guud ahaan oo ay wada hogaamiyen labadaan xidig maanta dunida oo dhan caanka ah.

Akki iyo PeeCee waxay sameyen aflaam yar way sameyn lahaayen intaas in kabadan balse ma dhicin arimo badan oo kahor istaagen.

Mida koowaad waxaa la shegay in Xaaska Akki ku amartay ninkeda in uusan dib dambe ula shaqeynin Priyanka inkastoo Akki dhawanahan mar la weydiyay sababta uu priyanka mashruuc ula sameyn waayey uu ku jawaabay in waqtiga u saamixi waayey ama filimsameye filim ula imaado labadooda si wadajir ah uusan jirin marna wuxuuba yiri ” Aan wacno priyanka oo aan weydino suaashaas.”

Fadlan Hoos kaga Bogo Aflaamta Akshay iyo Priyanka Wada Sameyen Iyo Natiijadooda.

Andaaz-Hit (2003)

Aitraaz-Average (2004)

Mujhse Shaadi Karogi-Hit (2004)

Waqt-The Race Against Time: Average (2005)

Taasi waxay ka dhigantahay in xidigahan aysanba sameynin filim guuldarestay waxayna ahaayen labo guusha usaaxib ah balse waxaa jiraan aflaam badan oo ay muuqaal marti ah ku lahaayen kuwaasna ma xisaabineyno waayo liiskama uguma jiraan ayaga.

Akshay Kumar iyo Priyanka Chopra Ma Jeclaan Laheyd Ineey Isla Shaqeyaan markale Maadama Guusha U Saaxiib Yihiin…………

Liiska Akhristayaasha Xidigaha Ay Naga Rabaan Inaa Usoo Gudbino Aflaamta Ay Wada Sameyeen:

Hritik Roshan Iyo Aishwarya Rai

SRK Iyo Kajol

Hritik Roshan iyo Kareena Kapoor Khan

Xidigaha Aan Horey Usoo Gudbinay Kuwaaso Isla Soo Shaqeyen Fadlan Riix Links-yada Hoose Ee Magacyada:

Ajey Iyo Kajol

Salman Iyo Karisma