Home » Wararka Maanta » Akshay Kumar Iyo Rajinikanth Filimkooda 2.0 Xuquuqdiisa Qeybta Cajaladaha Hindiya Imisa Ayaa Lagu Iibsaday?

Akshay Kumar Iyo Rajinikanth Filimkooda 2.0 Xuquuqdiisa Qeybta Cajaladaha Hindiya Imisa Ayaa Lagu Iibsaday?

Waxaan horey idin kula wadaagnay in Akshay Kumar iyo Rajinikanth filimkooda 2.0 xuquuqdiisa Satellite-ka 110 Crore Zee TV ku iibsatay.

Sidoo kale haatan waxaa daaha laga rogay in xuquuqda qeybinta cajaladaha filimka 2.0 qaybiisa Af Hindiga lagu daawan doono lagu iibsaday 80 Crore.

Tani waxay ka dhigan tahay kooxda filimka 2.0 sameesay ku dhawaad 200 Crore inay usoo laabatay ayadoo filimkaan weli tiyaatarada la saarin waxaana horey loo sheegay in 2.0 sameyntiisa ku bixi doonto in kabadan 400 Crore.

Madaama Akshay Kumar shacbiyad balaaran ku leeyahay Waqooyiga Hindiya waxay kalsooni ku qabaan kooxda cajaladaha 2.0 ku iibsadeen inaysan marnaba qasaaro la kulmi doono sidoo kalena macaash walai ah heli doonaan.

2.0 wuxuu ka mid yahay filimada ugu hadal heynta badan uguna weyn ee ebid Hindiya sameeyaan waxaana filimkaan la daawan doonaa 26-ka Janaayo 2018.