Akshay kumar ma wuxuu doonayaaa in Laga roonayaasha Hindida Bollywoodka kuso biiriyo?

0
1674

Akshay Kumar ayaa filimka Laxmmi Bomb ku matalaayo reer Aakhiraad laga roone ah, asigoona jinsigiisa raga u badalaayo mid dhedignimo.

Bollywoodka caado uma ahan inta badan iney wax ka qoraan ama wax ka jilaan filimaanta ka hadlaayo laga roonayaasha waana dhif iyo naadir in Bollywoodka laga helo filim nolosha dadkaasi ka hadlaayo, balse haatan waxay u muuqataa in waxbadan is badali doonaan bacdamaa uu Kumar howshaasi u bilaabay.

Laga roonayaasha Hindida oo leh urur ay ku mideysan yihiin loona yaqaano LGBT ayaa haatan doonayo in wixii haatan ka dambeyso laga qeyb galiyo Shirkada Bollywoodka filimaantana doorar muhiim ah laga siiyo, waana albaab uu u furay Akshay Kumar.

Akshay Kumar ayaa haatan la isweydiinayaa hadii uu mujtamacaas taageersanyahay sidoo kalana arimahaan ku taageeri doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here