Hordhaca:

Superstar Akshay Kumar 30-sano ku dhawaad ayuu fanka Hindiya ku jiraa sidoo kalena wuxuu soo maray marxalad adag asigoo soo sameeyay aflaan yar yar miisaaniyaad ahaan oo aan tayo laheyn si dhaqsi ah Flop ku noqon jireen isagana daqli wanaagsan masoo gali jirin laakiin Kumar waa maquuste ilaa maanta uu ka noqday atooraha 4-aad ee dunida ugu daqliga badan 2019 sidoo kalena ah atooraha lacagaha ugu badan kabsaday sanadkan dhamaan jilaayaasha Hindiga ah weliba $65.5m oo ayaa soo gashay qasnadiisa 12-ka bilood ugu dambeesay sidoo kalena 10-filim oo xariir ah ayaa haatan Akshay u guuleesteen mudo 4-sano ahna filimkiisa Flop ma noqotay.

Director Yash Chopra Markii Uu Liiday Akshay Una Diiday Xaqiisa Inuu Siiyo:

Sida majaladaha Bollywood Thikana laga soo xigtay filim sameeyihii laga dambeyn jiray Yash Chopra marka uu sameenayay filimkiisii Classic ahaa Dil Top Pagal Hai wuxuu rabay atoore labaad filimkan inuu Jackie Shroff kaga dhigo halka Shah Rukh Khan uu atoore kowaad ka ahaa, balse markii dambe Yash Chopra wuxuu ku fikiray in atoore da’diisa yar tahay inuu kuso daro wuxuuna la saxiixday Akshay Kumar oo aqbalay doorkii yaraa filimkan laga siiyay.

Markii filimka Dil Top Pagal Hai shaqadiisa la dhameeyay Akshay wuxuu ku jiray marxalad adag filim walbo uu sameeyana Flop ayuu noqonaayay sidaa darteed Yash Chopra wuxuu ka shalaayay atoore Flop socde ah inuu filimkiisa door ka siiyay waxaana tiyaatarada la saaray filimka Dil To Pagal Hai dhamaadkii 1997 gaar ahaan feestadii Diwali 1997 wuxuuna noqday Blockbuster weyn.

Akshay Kumar wuu ku farxay guushii uu Dil Top Pagal Hai gaaray wuxuuna booqday xafiiska Yash Chopra si loo siiyo xaqiisa ama lacagihii uu filimka ku sameeyay ee lagula balamay in la siinayo marka tiyaatarka la saaro.

Director Yash Chopra si jees jees ku dheehan wuxuu Akshay ku yiri “Ma ahan lacag inaad i weydiisatid waa inaad ku faraxdaa in Dil To Pagal Hai Flop noqonin hadda waxaa heesataa fursad wacan oo aad filim soo saarayaasha aflaan ku weydiisan kartid madaama filimkeyga aad ku bad baaday hadda orod shaqo raadso aniga wax lacag ah kuma siinayo waayo madaxeyga ayaad guul ku heshay!”

Akshay Kumar Muxuu Sameeyay Markii Yash Chopra Xaqiisa Siin Waayay Lana Bahdilay:

Kumar isma waalin hadalkii Yash Chopra wuu aqbalay wuxuuna ku yiri “Hadda waan baxayaa waxaana igu balan ah inaan shirkadaada Yash Raj Films dim dambe ula shaqeynin ilaa iyada isoo raadsato anigana aan ka qaado lacagta ugu sareyso atoore filim ku sameyn karo!”

10-san Kadib Shirkada Yash Raj Films Oo Akshay Xafiiskiisa Ugu Tagtay & Maxaa Dhacay?

Akshay Kumar xaqiisii shirkada YRF siin weesay kama niyad jebinin shaqadiisa filim jilista inuu sii wato dadaalkiisa ayuu sii laba laabay wuxuuna noqday atoore awood badan oo Superstar u dalacay kartidiisana ku meel maray.

Haddaba 10-sano kadib ama sanadii 2007 Superstar Akshay Kumar wuxuu noqday atooraha ugu awooda badan Bollywood-ka lacagaha ugu badana ku shaqeeyo waxaana xafiiskiisa kusoo booqdeen Aditya Chopra oo Yash Chopra aabo u yahay iyo madaxda shirkada YRF waxayna ka codsadeen in shirkada Hindiya ugu weyn la shaqeeyo madaama ay u baahan tahay atooraha Hindiya ugu awooda badan filim u sameeyo.

Akshay Kumar wuxuu Aditya Chopra ku yiri “10-sano ka hor xaqii aan idin ku lahaa aabahaa ima siinin nasiib wanaag maanta waan isku filanahay isagana horteyda masoo istaagin oo adiga ayuu ii kaa soo diray si aan shirkada YRF filim ugu sameeyo waa la yaab shalay waxaan ahaa atoorihii Flop-ka badnaa maantana waxaan ahay kan ugu HIT-ka badan Bollywood-ka.”

Aditya Chopra markii la xasuusiyay godobtii aabihiis Yash Chopra uu ka galay Akshay Kumar waxaa ceeb ku noqotay xafiiska Kumar inuu sii joogo balse Akshay ayaa durba hadalka dafay inta Aditya hadlin wuxuuna ku yiri “Waan idinla shaqeynaa laakiin aabahaa waxaan u sheegay haddii aan dib shirkadiisa ula shaqeenayo in lacagaha ugu badan atoore filim ku sameeyo aan ka qaadayo.”

Sidaa darteed Akshay Kumar wuxuu shirkada YRF la saxiixday sanadii 2007 inuu u sameeyo filimkii Tashan oo ay la wada jileen Anil Kapoor, Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor waxaana filimkan la daawaday ama tiyaatarada la saaray sanadii 2008.

Akshay Kumar sameynta ama hogaaminta filimka Tashan wuxuu ku qaatay 8 Crore waana lacagtii ugu badneyd ebid markaas atoore filim ku sameeyay inkastoo mashruucan guul dareestay marka tiyaatarada la saaray haddana Akshay shirkada YRF wuu ka aargutay oo xaqiisiina wuu ka ceshtay wuxuuna dareensiiyay in awooda cidna ku waari doonin.

Gunaanad: Director Yash Chopra wuxuu geeriyooday sanadii 2012 haatana waxaa madax u ah shirkada YRF wiilkiisa Aditya Chopra sidoo kalena Akshay Kumar mudo 11-sano kadib wuxuu haatan aqbalay markale inuu shirkada Yash Raj Films la shaqeeyo wuxuuna haatan u sameenayaa filimka Prithvraj oo ah filim boqortooyo lana daawan doono Diwali 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here