Home » Wararka Maanta » Akshay Kumar muxuu ka yiri in filimadiisa 2.0 iyo Padman isku dhici doonaan

Akshay Kumar muxuu ka yiri in filimadiisa 2.0 iyo Padman isku dhici doonaan

Superstar Akshay Kumar ayaa si rasmi ah kaga hadlay arinka ku aadan labadiisa filim 2.0 iyo Padman iyo tiyaaatarada la isla saari doono 25 April 2018.

Filimka 2.0 ayaa horey taariikhdaas u calaameestay waxaana dhawaan ka daba doortay isla filimka Padman ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay kaasi oo markii hore u qorsheesneed in 13 April 2018 la daawado balse lasoo hormariyay.

Akshay Kumar ayaa xaqiijiyay in labadiisa filim isku dhici doonin sidoo kalena 2.0 uusan diyaar noqon karin 25 Janaayo dibna loo dhigi doono.

Akshay wuxuu yiri “Warbixino oo waxkama jiraan ah ayaa la wareejinaayay oo an in 2.0 iyo Padman tiyaatarada la isla saari doono, maxay tahay sababta labo filim ee aan aniga hogaamiye ka ah isugu dhacayaan?”

“Padman waa filim aan soo saare ka ah halka 2.0 aan jilaa kaliya ka ah waxaana maal galiyeen Director Shankar, Rajinikanth iyo Lyca productions iyaga ayaa go’aan ka gaari doonaan xiliga la daawan doono”

“Hadii ay go’aansadaan in 2.0 la daawado 25 Janaayo 2018 aniga ayaa filimkeyga Padman baajin doono hadii midkooda dib u dhigaan aniga ayaa Padman diyaar ii yahay oo maalinta Jamhuuriga la daawan doonaa”

Sidaa darteed Akshay Kumar ayaa wax walbo kala cadeeyay in labadiisa filim isku dhici doonin waxayna u badan tahay in Padman maalinta Jamhuuriga la daawan doono madama 2.0 weli hawshiiisa dhamaanin gaar ahaan adeegsiga aalada VFX oo filimkaan la adeegsanayo inta badan.