Waxaan horey idin kula wadaagnay in Superstar Akshay Kumar 25 Crore ama lacago $3-milyan sare u dhaafayaan dowlada Hindiya ugu deeqay si looga hortago faafista Coronavirus-ka halista ku ah gudaha Hindiya iyo guud ahaan daafaha caalamka.

Haatan Kumar talaabo kale oo naxariis ku dheehan ayuu qaaday waxaana la xaqiijiyay inuu 3 Crore ($395k) dheeri ah dowlada Hindiya ugu deeqay kadib markii baahi cusub ay soo baxday kuna aaday soo saarista iyo badinta agabka wajiga lagu xirto marka lala tacaalayo dadka COVID-19 qabaan.

Akshay Kumar ayaa lacagtaan gaarsiiyay qolyaha caafimaadka gaar ahaan qaabilsan soo saarista maasgarada wajiga lagu xirto si xanuunka ugu dhicin kuwa gurmadka caafimaadka shacab weynaha Hindiya u fidinayaan. Sidaa darteed Kumar markale ayuu quluubta dowlada Hindiya iyo shacabkeeda dagay madaama waqtigan adag labo jeer lacago loo baahan yahay uu bixiyay.

Akshay Kumar wuxuu ka mid yahay jilaayaasha Bollywood-ka ee shaqo la’aanta ah kuwaas oo guryahooda ku sugan balse maalin walbo baraha bulshada saameyn ayuu ku leeyahay asigoo dadka wacyi galiyo, dhiiri galiyo booliska iyo qolyaha caafimaadka adeega culus ay hayaan marka loo baahdana kaalintiisa dhaqaalo bixinta ayuu siweyn u qaataa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here