Akshay Kumar oo aamusiyay kuwa filimkiisa Gold wuu baaqday ku hayeen iyo kaarto cusub oo 15 Aug ku xardhay!

Maal mihii ugu dambeesay waxaa la isla dhex maraayay in Superstar Akshay Kumar filimkiisa Gold aan la daawan doonin 15 Aug 2018 maalinta xurnimada Hindiya welina filimkan shaqo badan u harsan tahay.

Waxaana siweyn loo hadal haayay in filimka reer Deol wada jilayaan Yamla Pagla Deewane 3 ka faa’iideesan doono baaqashada Gold lana daawan doono maalinta xurnimada Hindiya.

Sidoo kalena John Abraham filimkiisa Satyameva Jayate isagana 15 Aug in la daawado ayaa la calaameeyay taasi oo loo qaatay in Akshay iyo kooxdiisa Gold filimkooda diyaar ahayn.

Laakiin Akshay Kumar ayaa iska aamusiyay kuwa filimkiisa Gold xumaanta ka faafinayaan kadib markii uu soo bandhigay kaarto ama sawir cusub oo filimkan ah laguna soo xardhay “Riyadii Qaranka Hindiya oo Dhan Mideesay” lana daawan doono 15 Aug 2018 maalinta xurnimada Hindiya.

Sidoo kale Farhan Akhtar iyo Ritesh Sidhwani oo filimka Gold soo saarayaal ka ah waxay shaaca ka qaadeen in dhawaan goos goos dhameestiran laga soo bandhigi doono filimkan fariinta wadaniyada ah xambaarsan lana daawan doono 15 Aug 2018.

Waxaan sugnaa in reer Deol Dharmendra, Sunny Deol Bobby Deol filimkooda Yamla Pagla Deewana 3 dib u dhigan doonaan ama iyagana ku dhawaaqi doonaan in 15 Aug filimkooda la daawanayo iyo sidoo kale John Abraham isagana talaabada uu qaadi doono madaama Akshay cadeestay in 15 Aug filimkiisa Gold diyaar yahay.