Home » Nolosha Jilaayaasha » Akshay Kumar Oo Amaan Kala Dul Dhacay Ranveer Singh Kuna Tilmaamay Qofka Bedeli Doono Jagada Fanka!!

Akshay Kumar Oo Amaan Kala Dul Dhacay Ranveer Singh Kuna Tilmaamay Qofka Bedeli Doono Jagada Fanka!!

Super Star Akshay Kumar ayaa maanta saxaafada wareysi siiyay xili uu xayeysiinayey filmkiisa Gold ee maalmo kadib masraxa la saari doono.

Mid kamid ah saxaafada ayaa weydiyay Akki suaal ah in uu sheego atooraha mustaqbalka dhow badali kara isaga kaaso hader qaab jiliin ahaan iyo dadaal ahaanba wadadiisa hayo waxaana loo tilmaamay inuu kasoo dhexsaaro atoorayaasha xidigaha dhalinta ah ee maanta ka howl galaan Bollywoodka.

Waxuu ku jawaabay sida tan,”wey iska fududahay ninkaas aniga I badeli kara mustaqbalka dhow waa Ranveer Singh sababto ah waa atoore tamar badan markaan sifiican u baaray meelo badan ayuu iga shabaha qaab jiliin ahaan iyo tamar ahaan.”

“Waa jilaa fir fircoon la isna dhihi karo Akshay ayuu bar bardhigi karaa waana hubaal inuu noqon doono Akshay Kumar-ka xiga sida ii muuqata.”