Jilaaga Akshay Kumar ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu jamaahiirtiisa kaga codsanaayo iney ka caawiyaan qaabkii uga aarsan xaaskiisa Twinkle Khanna taasoo cashir u dhigtay asiga.

Twinkle ayaa Akshay oo ku mashquulsan daawashada cayaarta Cricketka waxay ka badashay Basuwarka Ipadkiisa taasoo Akshay markuu soo laabtay yaab ku dishay.

Akshay ayaa dhowr mar Basuwarkii hore galiyay balse wuu u furmi waayay aad ayuuna u yaabanaa halka Twinkle ayadana ku qosleysay.

Hadaba Akshay ayaa markuu ogaaday qiyaanada xaaskiisa qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuuna jamaahiirta kuweydiiyay talo ku aadan qaabkii uu uga aarsan lahaan.

Hadaba Akhristow Akshay maxaad kula talin laheyd??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here