Akshay Kumar oo farxad weyn ka muujiyay guusha filimkiisa Good Newwz.

0
1350

Jilaaga Akshay Kumar oo ku jiro waqtigiisii ugu wacnaa waayihiisa fanka India ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsanyahay in sanadka 2019ka guu kusoo qatimo.

Akshay Kumar oo sanadkii hore 2019 tiyaatarada loo saaray 4 filim oo waaweyn ayaa dhamaantooda guulo gaarsiiyay waliba sadax filim oo kamid ah filimadaas darajada Super Hit ayay gaareen xili Good Newwz uu xitaa rajo ka qabo inuu Blockbuster noqdo.

The Goat of Bollywood oo ka hadlaayay guushaan ayaa yiri; “aad ayaan ugu faraxsanahay in filimka Good Newwz uu soo dhaweyn noocaan helo gaar ahaan maadaama uu filimkaan xambaarsanyahay fariin gaar ah oo u baahan in la is weydiiyo loona soo bandhigo jamaahiirta, runtii mowduuca uu xambaarsanyahay waa mid muhiim ah”.

Akshay oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo jamaahiirtii filimkaan tikidka u goosatay isla markaasna qalbiyo nadiif ku daawatay haatan guusha Good Newwz darteed waxaan dareemayaa kalsooni buuxdo waxaana rajeynayaa in albaab u noqoto soo gudbinta fariimaha dagan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here