Akshay Kumar iyo Twinkle Khanna waxaa lagu tiriyaa lamaanayaasha Bollywood ugu caansan Kumar ayaa had iyo jeer ku dadaala siduu qoyskiisa kaga farxin lahaa halka Twinkle tahay xaas iyo hooyo aad u ad adag kana xukun badan seygeeda.

Waxaa dhacday in Akshay Kumar shalay hadiyad ahaan xaaskiisa u siiyay dhago dhago basal ka sameysan oo uu kasoo qaatay Kareena Kapoor iyadiina baraha bulshada ayee soo dhigtay sawirka hadiyadaas iyadoo dadka u sheegtay qaabkii Akki ugu keenay.

Akshay iyo Kareena waxay ku guda jiraan xayeysiin u sameynta filmkooda Good Newws oo 27 December la daawan doono waxayna ka qeyb galeen barnaamij Tv-yada laga daawado oo shactiroole Kapil Sharma daadihiye ka yahay goobta ayaana Bebo lagu siiyay dhago dhago dumarka dhagaha ku xirtaan balse ka sameeysan basasha aan raashiinka kudarsano.

Kareena kama aysan helin waxaan qaatay Akki hadaba Twinkle Khannna oo Instagram-keda soo dhigtay waxay tiri iyadoo sharaxeysa,”Kareena hadiyada kama aysan helin sida uu dareemay Akki waxuuna igu yiri hadiyadan Kareena markii lasiiyay wey qancin weysay aniga ayaa kasoo xoogay oo dhahay anaa qaadanaayo hadii aadan rabin isii sidaas ayaana kuugu keenay ee Hoo.”

Akshay Kumar has got the most expensive gift for Twinkle Khanna and trust us you won't be able to control your laughter

“Sidaas ayaan ana ku gudoomay mararka qaar hadiyad yar ayaa dareenkaada bedeleyso qalbigaadana saameyn ku yeelaneyso waana ka helay hadiyadan in badan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here