Akshay Kumar oo hambalyo u diray saaxiibkiis Rana Daggubati iyo sababta

0
673

Akshay Kumar ayaa hambalyo u diray saaxiibkiis ay iskala soo muuqdeen filimka Baby kaasoo soo baxay 7 sano kahor ayadoona hambalyada aheyd mida guurkiisa.

Rana Daggubati ayaa maalinta sabtida kusoo beegan guursan doono gabadha lagu magacaabo Miheeka Bajaja ayadoo arooskiisana uu ka dhici doono magaalada Hyderabad asigoona haatan qaban qaabadii guurka ku jiro.

Balse Akshay Kumar ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay sawirka kore asigoona sidoo kale ugu hambalyeeyay munsaabada guurkiisa.

Waxaa xusid mudan in Akshay Kumar iyo Rana Daggubati ay saaxiibo isku fiican yihiin ayagoona horay uga wada shaqeeyay filimada Baby iyo Housefull4 kuwaasoo Box Office guulo ka gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here