Waxaan horey idin kula wadaagnay in Superstar Akshay Kumar sameyn doono filimka weyn ee arimaha sirdoonka 80-maadkii Hindiya ka hadlaayo ee lagu magacaabo Bell Bottom lana daawan doono 2 April 2021 waxaana filimkan maal galinayaan Vashu Bhagnani, Jackky Bhagnani iyo Pooja Entertainment.

Haatan waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday atirishada Vaani Kapoor in filimkan lagu soo daray waxaana ku xasuusanaa Vaani sanadkii hore kaalintii ay ka qaadatay filimka War ee Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff wada jileen kaasi oo Blockbuster weyn noqday.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeesay Akshay iyo Vaani shaashada jaceyl ku matali doonaan waxayna Vaani filimkan saxiixatay todobaadkii hore ayadoo duubista Bell Bottom bilaabi doonto marka xaalada karantiilka ah Hindiya ka baxdo oo shaqada filim jilista dib loo bilaabo.

Filimka Bell Bottom waxaa Director ka ah Ranjit M Tewari waana mashruuc looga hadlaayo geesiyaashii sirdoonka Hindiya 80-maadkii kaalinta ay qaateen weliba sheeko xaqiiqo ah ayuu xambaarsan ayadoo Akshay Kumar diyaar u yahay inuu doorkiisa kaalin ahaan kasoo baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here