Akshay Kumar iyo dhamaan kooxda Filimka Houseful 4 waxay ku guda jiraan xayeysiin u sameeynta Filimkooda magaalooyinka India ayeena midba mar booqanayaan hader subaxan Delhi ayee joogaan oo ay tareen 18 saacadood safar ugu soo jireen.

Hadaba wareysiyada laga qaado xidigahan waxay ku shaaciyaan arimo xasaasi ah sida hada Riteish Deshmukh oo kale waxuu dadka la wadaagay sida Akshah Kumar u dhib badnaa intii ay duubayeen Filimka Heyy Babyy ee shactirada ah. Riteish waxuu sheegay inuu Akki dhibi jiray isaga iyo Vidya Balan arinka xiisaha leh ayaana ah in Kumar isku dayey jaceyl inuu ka dhex dhaliyo Riteish iyo Vidya hadaba aan u deyno jilaagan si uu inooga sheekeyo sheekadan qosolka leh.

“Waxaan duubeynay Heyy Babby Akshay-na dhiblow ayuu ahaa waxuu si qarsoodi ah u qaaday Mobile-keyga kadibna waxuu fariin qoraal (Message) u diray Vidya Balan isagoo u qoray “I Love You Vidya Mac Mac.”

“Mida ugu daran ayaa ahed in Vidya kasoo jawaabtay qoraalkii waxayna so qortay,” I love You Too Mac Mac” aniga markaa arkay afka qabsaday yaab, waxaan la yaabay sababta Vidya sidaa ugu soo jawaabtay iyadoo xitaa ogeyn qofka fariinta usoo diray.”

“Balse markii dambe aniga iyo Vidya waxaan ogaanay in labadeena Mobile-ba isaga hayey isla isaga uun fariimaha Mobile-da midba midka kale u diraayey maalinkaas cabaar ayaa bursanay maalinkaas dhibkiisa oo badnaa aawged.”

Akshay meesha ayuu fadhiya marka sheekadab laga sheekeynaayo isagoo qoslaayo waxuu yiri,”aniga xiliga iigu farxada badan waa marka aan dhibaayo jilayaasha saaxiibadeyda ah markaa la shaqeynaayo xisaab malahan xidigaha aan kaftankaan oo kale soo wadaagnay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here