Waxaan horey idin kula wadaagnay in Superstar Akshay Kumar sameyn doono filimka weyn Bachchan Pandey ee Sajid Nadiadwala soo saare ka yahay halka Farhad Samji isagana Director ka yahay lana daawan doono Diwali 2020 waana filim Action ah oo mada daalo dhameestiran leh sidoo kalena Kumar ku xarakeen doono mana ka marno inuu dareen qiiro badan leeyahay.

Haatan waxaa la ogaaday labada atirisho ee Akshay Kumar filimkiisii Housefull 4 kala soo muuqdeen Kriti Sanon iyo Pooja Hedge in lagu soo daray filimka Bachchan Pandey weliba labadan gabdhood Kumar jaceyl shaashada ayuu kula matali doonaa waana arin kale oo xiiso badan.

Pooja Hedge waxay la sheegay inay Akki jaceyl la wadaagi doonto marka uu dhalinyaro yahay xasuus ahaana filimka kusoo gali doonto halka Kriti Sanon iyadana la sheegay inay Akshay qalbiga ka dagi doonto marka uu nin weyn noqdo oo da’diida horey u badato dhibaatooyin badan noloshiisa horena soo martay sida haatan xogaha hordhaca ah lagu helaayo labadan atirisho halmar shaashada ma isla soo gali doonaan ee Akshay labadiisa waji kala duwan filimkan ayay mid walbo la qeebsan doontaa.

Sidoo kale sheekada Bachchan Pandey waxaa la sheegay inay ku saabsan tahay nin bulshada agtooda sharaf ku leh sidoo kalena ah waa Akshay Kumar oo noloshiisa u hibeenayo walaalkiis ka yar si uu ugu raadiyo gabbar u qalanto oo uu guursado. Balse walaakiis ka yar wuxuu leeyahay anigana ma guursanayo ilaa aan kaaga helno gababar kuu qalanto ugu dambeyntii Akshay wuxuu jaceyl u qaadaa Pooja Hedge marka uu dhalinyar yahay balse nasiib daro nin kale ayaa ka guursanayo. Mudo kadib wuxuu baranaa Kriti Sanon asigoo nin weyn ah oo magaca Bachchan Pandey wato laakiin gabadha uu jeclaaday waa Kriti Sanon caddow badan ayay leeyihiin iyada iyo reerkeeda wuxuuna u istaagaa inuu tuugada ka dhiciyo naftiisana u huro.

Filimka Bachchan Pandey Akshay wuxuu duubis ku bilaabi doonaa dabyaaqada bisha Febraayo ama horaanta Maarso welina laguma soo darin atoore labaad oo doorka walaalkiis matali doono waxaana filimkan la daawan doonaa dabyaaqada sanadkan gaar ahaan feestada weyn ee Diwali 2019 ayaa lagu beegay daawashadiisa waxaana xusid mudan in filmkan sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimkii Tamil-ka ahaa Veeram ee Ajith Kumar sameeyay 2014 balse sheekadiisa waxbaa laga badalaa iyo si toos ah kooxda Bachchan Pandey uma wada qaadanayaan filimkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here