Bollywood Khiladi Kumar Aka Akshay Kumar ayaa ka dhawaajiyay in Filimsameyaasha waaweyn (Big Directors) ay isaga xaqireen gabi ahaanba intaano sanana Filim la saxiixan waayeen si ay Director oga noqdaan Filimu isaga hogaamiye ka yahay.

Jilaagan ayaa sido kale sheegay inuu isku tashtay Filimsameyaasha yaryarna la shaqeyntooda uu joogteeyay maantana heerkan uu kusoo gaaray ilaa uu ka noqday midka ugu guulaha badan waqtigaan.

Xili uu xayeysiin u sameynaayey filimkiisa Good Newwz ayuu sheekadan sharaxay waxuuna yiri isagoo hadlaayo,”ma aqaan sababta Filimsameyaasha waaweyn igu diiden oo ay Director oga noqon waayeen aflaamteyda.”

“Waan ogahay xiligii hore inaan u qalmin la shaqeynta Director-da waaweyn oo xiligaas Khans-ka ayaa inta badan la shaqeyn jireen inkastoo Kapoors-ka xitaa joogeen laakiin ani ahaan uma qalmin mashaariicdii waaweynaayen ee Khans-ka sameyeen.”

“Kasoo gudub waqtii hore maanta markii lawada ogaaday tayadeyda maxay tahay sababta ay ii agmaraan Filimsameyaasha waaweyn kakiya wey maalgaliyaan aflaamteyda balse Director kama noqdaan waxaana ugu horeyaan Karan Johar iyo Aditya Chopra.”

“Bal orda oo soo weydiiyay sababta Karan, Aditya iyo Bif Directors-ka aan heysano ay Filim iigu sameeyn waayen aniga ahaan waan isku tashtay isma dhigan waxaana joogteeyay la shaqeynta Filimsameyaasha yaryar oo aan maanta heerkan kusoo gaaray.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here