Bollywood Khiladi Kumar Aka Akshay Kumar waqtigiisa ugu wacnaa fanka hindiya ayuu dhex dabaalanahaa xidigaan maantana waxuu qarka u saaran yahay inuu hogaaminta Bollywoodka la wareego si awood ku dheehan.

Jilaagan ayaa muuqaal yar oo Clip ah baraha bulshada soo dhigay kaaso kaaso isaga iyo Katrina Kaif taageerayaasha ku madadaalinayeen waana muuqaal uu ka xishood siiyay atiriishadan maadama si kaftan ku dheehan uu kaga duubay oo shaqo Filim kama mid aheen.

Goobta Filimka Sooryavanshi lagu duubaayey ayee wada joogeen waxuu Akki go’aansaday inuu taageerayaasha ka qosliyo sidaa aawged si lama filaan ah Katrina oo meel iska fadhido ayuu soo waday kana duubay muuqaalkan. Waa muuqaal ay dadka kusoo xusuusinayeen Filimkii Namaste London waana muuqaal uu indhaha Katrina ku mashquulaayo iyo quruxdeeda sida Filimkaasba aan ku daawanay marka ugu horeyso ay isla kulmayaan.

Kadib waxaa dhaceyso inee Katrina xishoodo oo ay qososho waxuu soo raaciyay baraha bulshada markuu soo dhigaayey Clipkaas qoraalkan,”waa aniga iyo Katrina oo dib idiin xusuusineyno waayihii Namaste London” dhanka kale xidigaan maalin kahor waxuu Kriti Sanon walaashed la duubay hees kamid ah Album-ka Filhaan waana hees qaas ah oo Filim kujirin gabadha heeska la duubtay waxaa lagu magacaaba Nupur Sanon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here