Bollywood Superstar Akshay Kumar ayaa ugu dambeyn kamid noqday atoorayaasha Filimadooda ganacsi ahaan 200 Crore gaaraan waxaana darajadan kaga horeyeen xidigaan ilaa 10 atoore kumar waxuu sameeyay Houseful 4 2019 oo keenay 205 Crore tasi oo kadhigan in Akki 200 Club soo guda galay.

Akshay Kumar iyo 2 sano u dambeysay Filimadiisa lacahaga lagu qarashgareeyay iyo lacagaha ay keenen:

Padman (2018) waxaa kubaxday 76 Crore waxuuna keenay 78 Crore darajadiisana waa Below Average ama Filim guul dareestay waxuuna ku guuldarestay kooxda cajaladaha qeybiyaan saamige ka heleen oo yaraa.

Gold: (2018) 107 Crore ayaa ku baxday waxuuna keenay 102 Crore darajadiisa wa Average saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen ayaana badnaa.

2.0: (2018) waxaa lagu qarash gareeyay 575 Crore qeybta af hindiga kaliya waxuu ka keenay 185 Crore waana Super Hit.

Kesari: (2019) 126 Crore ayaa ku baxday halka 151 Crore uu keenay waa Hit darajadiisa.

Mission Mangal: (2019) 95 Crore ayaa kubaxday waxuuna keenay 192 Crore waana Super Hit darajadiisa.

Houseful 4: (2019) 162 Crore ayaa kubaxday halka uu keenay 205 Crore waan Super Hit.

Good Newwz:(2019) 80 ilaa 90 Crore qiyaas ahaan ayaa ku baxday waxuuna keeni doona ugu badnaan 200 Crore darajadiisana Blockbuster inuu noqdo ayee u badantahay.

Hadaba atoorayaasha Akshay darajada 200 Crore kaga horeyeen ama qaanadan ay iskula jiraan hoos kaga bogo:

Aamir Khan

Shah Rukh Khan

Salman Khan

Hrithik Roshan

Ajay Devgn

Ranbir Kapoor

Ranver Singh

Shahid Kapoor

Vicky Kaushal

Tiger Shroff

Atoorayaasha darajada 300 Crore Filimadooda keenen ganacsi ahaan:

Aamir Khan

Salman Khan

Ranbir Kapoor

Kumar ma awoodaa inuu liiskan kusoo biiro ee darajada 300 Crore ah jawaabta waa macquul sanadkaan 2020 Filimo 4 ah ayaa u diyaarsan 3 kamid fasaxyo waaweyn ayaa la daawana waana macquul in midkood 300 Crore gaaro ileen yaa islahaa 200 Crore ayuu dhaqsi gaaraa asigoo awal ku dhibana 150 Crore.

Sido kale Ajay Devgn iyo Ranver Singh ayagana inee gaaraan waa macquul maadama Filimo waaweyn la imaan doonaan sido kale Hrithik iyo Tiger suaasha meesha taalo ayaase waxay tahay yaa bilaawi doono darajada 400 Crore xiligaan ileen darajooyinka ah 100 Crore, 200 ilaa 300 Aamir Khan ayaa horey u bilaaway markaana ma asiga ayaa laga sugi doonaa mise atoore kale,waqtiga dabcan sheegi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here