Superstar-ka Bollywood-ka Akshay Kumar ayaa dib u la midoobi doono Katrina Kaif iyo Rohit Shetty filimkiisa ‘Sooryavanshi’, waana markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2010-kii ‘Tees Maar Khan’. Akshay ayaa sheegay inuu taageere weyn u noqday Katrina ka dib markii ay si wada jir ah uga wada shaqeeyeen filimkooda cusub.

Akshey ayaa yiri: ” Markii la bilaabay bandhiga filimka “Sooryavanshi” waxay qabatay shaqo weyn. waxaan u noqday taageere weyn iyada iyo kartideeda ficil ahaan. Horey waxaan u jeclaa quruxdeeda laakiin filimkaan ka dib, waxaan noqday mid aan jecel falkeeda .Marki ay shaqada bilawday, ma aysan aqoonin hal eray oo Hindi ah, laakiin maanta waxay la shaqeysaa xiddigo waa weyn.”

Filimka Sooryavanshi ayaa si weyn loo hadal hayaa in uu noqon doono mid guuleesta Ajay Devgn iyo Ranveer Singh, ayaa filimkaan ku jili doono doorka Singham iyo Simmba.

Akshay Kumar wuxuu filimkaa ku jilaa Kuxigeenka Taliyaha Booliska, Veer Sooryavanshi, kaasoo madax ka ah filimka la dagaalanka Argagixisada.

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here