Jilaaga caanka ah Akshay Kumar ayaa bartiisa Twitter-ka nasiib wacan oga diray saaxiibkiis Salman Khan isagoo guul weyna u rajeyay Salman Filimkiisa cusub ee Kabhi Eid Kabhi Diwali.

Salman ayaa kudhawaaqay maalmo kahor inuu sameyn doono Filimkaan kaaso uu qarash gareeye ka noqon doono Sajid Nadiadwala balse magaca Filimka ayaa xoogaa u muuqdo mid shactiro ah oo turjumida Kabhi Eid Kabhi Diwali waxay noqone “MAR CIID MARNA DIWALI.”

Sida guud Salmaan Eid asa tiyaatarada loo firaaqeya oo filimadiisa saarto halka Diwali uusan u badneen hadaba Akki ayaa soo booday misane sida tan qoraal ahaan Twitter-kiisa kusoo qoray.

“Nasiib wacan ayaan idiin rajeynaa Salman Khan, Sajid Nadiadwala iyo dhamaan kooxda Filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali dabcan magaca Filimka ayaaba soo jiidasho leh waxaanse ku baaqayaa in qeybta labaad Filimkaan laga dhigo Kabhi Eid Kabhi Christamas (kadibna wuu qoslay).”

Mashruuca cusub ee Sallu waxaa la daawan doonaa Eid 2021 taasi oo kadhigan in sanadkaan 2020 kaliya uu la imaan doono Radhe oo asna Eid la daawan doono marka waxuu rabaa 2-sano iyo 2-Blockbuster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here