Waxaan maalmo ka hor idinla wadaagnay filimka weyn Sooryavanshi ee Superstar Akshay Kumar iyo Katrina Kaif hogaamiyaal ka yihiin gabi ahaanba la baajiyay waqtigii la daawan lahaa oo ahayd 24-ka bishan Maarso madaama cabsi weyn laga qabo caabuqa halista badan Coronavirus in gudaha Hindiya ku badanaayo sidoo kalena tiyaataro badan la xiray.

Haddaba Akshay Kumar ayaa markii ugu horeesay ka hadlay baaqashada filimkiisa weyn wuxuuna xusay inay muhiim tahay marwalbo bad baadada shacabka Hindiya sidoo kalena wax dhib ah u arkin isaga iyo kooxdiisa in Sooryavanshi dib loo dhigo wuxuuna sheegay in mashruucan juhdi badan galiyeen kuna kalsoon yihiin in daawadayaasha marwalbo soo dhaweyn doonaan.

Sidoo kale Kumar wuxuu diiday inuu cayimo xiliga saxda ah ee Sooryavanshi la daawan doono wuxuuna ka dhawaajiyay marka xaalada caadi kusoo laabato oo cabsida iyo halista laga baxo kadib ay shaaca ka qaadi doonaan waqtiga ku haboon daawashada mashruucan weyn.

Sidoo kale Akki wuxuu iska diiday inuu ka hadlo in filimkiisa kale Laxmi Bomb la baajin doono oo aan la daawan doono Eid 2020 wuxuuna Superstar-kan kaliya diirada saaray xaalada filimkiisa Sooryavanshi ku sugan yahay oo haatan la ogeyn xiliga tiyaatarada gudaha Hindiya la saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here